وأن من صام يوما ً في سبيل الله باعد الله بذلك اليوم وجهه عن النار سبعين خريفاً ، وفي رواية مسيرة مائة عام . فما بالك بصيام يوم من أيام رمضان

20. Abaal marinta soonku waxay gaar u tahay Allaha S.W, isaga ayaana ka abaal marsiinayaa ruuxa soomo.

21. Qofka soomani laba mar ayuu farxaa, marki uu afuro iyo marki uu la kulmo Allah S.W.

للصائم فرحتان ، فرحة عند فطره وفرحة عند لقاء ربه

22. Alla wuxuu u dambi dhaafaa dadka sooman habeenka ugu dambaysa ee bisha.

Haddaba akhristoow adigoo mahadsan ka faaiidayso fursaddaan qaaliga ah, ma ogid in uu kusoo marayo soonkale ,ilaali wakhtigaada nidaami acmaashaada si aad uga faaiidaysatid bishan barakaysan ee Ramadaan, is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

Is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

Akhristoo is weydii inta aadan seexan waxa kuu qabsoomay iyo sida aad uga faaiidaysatay wakhtigaadi:

1. Ma tukatay Salaadii laguugu lahaa? Maku dukatay jamaaco?

2. Ma dukatay Sunnooyin rawaatibta ahaa?

3. Ma akhrisay Quranka? Imisa jus ayad akhrisay?

4. Ma akhrisay adkaarta subaxa iyo galabki?

5. Ma afurisay ruux sooman?

6. Ma tukatay Salaadii Taraawiixda?

7. Wax ma sadaqaysatay maanta? Ruux dhibaataysan ma u gargargaartay? Qof miskiin ah ma caawisay?

8. Ma dadajisay afurka? Ma dib-dhigtay suxuurta?

9. Maku afurtay timir? Haddii aad waysay miyo?

10. Ma u yeeratay walaalo dhibaataysan si ay kuula afuraan?

11. Ilaah ma u toowbad keentay? Dambi dhaaf ma waydiisatay?.

12. Ma u ducaysay walaalaha Muslimiinta ah ee dolman? Kuwa dhibaataysan, kuwa xanuunsan?

13. Ma laazimtay dhaqanka iyo aadaabta Islaamka ee suuban?

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

968688
Today
Yesterday
All days
329
1821
968688
2025-04-19 07:38

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803530d79f409279979111745048333
title_6803530d8c22d18772448731745048333
title_6803530d8c398683191781745048333
title_6803530d8c4d120805944981745048333
title_6803530d8c5d81915586711745048333
title_6803530d8c70d7412761391745048333

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803530d8dbf517150666071745048333
title_6803530d8dd2b11253639271745048333
title_6803530d8de6e667902481745048333
title_6803530d8dfa113374817771745048333

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com