2.S. Qof ayaa soomay lixdii cisho ee shuwaalka isagoo ramadaantii lagaga lahaa qalle haddaba shuwaalkaa uu soomay ma ka gudayaa (ridayaa) qalihii ramadaanta lagaga lahaa?


J. Bisha ramadaan waa waajib arkaanu islaamkiina waa ka mid markaa qofkii haddii ay u suurtoobi waydo inuu soomo isagoo cudur-daar haysta wuu soo qalaynayaa, qaluhu niyo gaar ah ayuu leeyahay sunuhuna niyo gaar ah, oo iyadoo kolayba amaantiisa uu leeyahay maalmahan shawaalka oo la soomo, nabiguna uu lahaa xadiis saxeex ah “qofka soddonka ramadaan sooma lix maalmood oo bisha shuwaal ka mid ahna raaciya wuxuu ka dhigan yahay isaga oo sannad dhan soomay” (Abu Daa’uud No.2423, Muslim No.1164, Tirmidi No.759, Ibnu Maajah No.1716 iyo Axmed) maxaa yeelay lix iyo soddon cisho ayuu soomay cisho waliba waxay ka dhigan tahay isagoo toban cisho soomay marka toban lagu dhufto lix iyo soddon waxay noqonaysaa 360 maalmood markaa sanadkii oo dhan isaga oo soomay ayuu ka dhigan yahay, haddaba soonkaa bisha shuwaal isagoo uu yahay mid amaan badan haddana qadaagii bisha ramadaan kama gudayo (kama ridayo), markaa soonkaa sunaha ahna waa inuu sidiisa u soomaa ramadaantiina waa inuu qaleeyaa intii maalmood ee lagu lahaa oo sunaha iyo faralku waa kala xukun isku miisaan iyo ajarna maaha waxaa ka miisaan culus faradkii isagaana ka ajri badan hadduu qofku faradka ka tagana ciqaab ayuu ku mutaysanayaa laakiin sunaha ciqaab kuma mutaysanayo, markaa kama gudayo shuwaalku qalaha ramadaanta markaa waa inuu midba sidiisa u soomaa.
Alaahu aclam.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

969352
Today
Yesterday
All days
993
1821
969352
2025-04-19 19:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803f46a191f813920209031745089642
title_6803f46a192e211516007981745089642
title_6803f46a193b217924641241745089642
title_6803f46a1948013432307841745089642
title_6803f46a1954b20946272181745089642
title_6803f46a196039977601141745089642

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803f46a1a578751662561745089642
title_6803f46a1a66a14284847261745089642
title_6803f46a1a73c3771892661745089642
title_6803f46a1a80b2350771151745089642

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com