10. Waa Bisha ducada iyo Alla baryiga qofkii Allaha S.W wax weydiistana wuu ka ajaabayaaa ducadiisa .
قال تعالى عقيب آيات الصيام : { وإذا سألك عبادي عني فإني قريب أجيب دعوة الداع إذا دعان } ( البقرة 186)
وقال صلى الله عليه وسلم : ( ثلاثة لا ترد دعوتهم : الصائم حتى يفطر ، والإمام العادل ، ودعوة المظلوم ) رواه أحمد
Allaha S.W. wuxuu yiri marki adoomadaydu wax i waydiisanayaan waxaan ahay mid u dhow aqbala kan wax i waydiisanayo.Nabiguna c.s.w wuxuu yiri: “Sadex lama celiyo ducadooda, waa mustajaaba, ruuxa soomaan ilaa uu ka afuro,Imaamka Caadilka ah, iyo Ruuxa la dulmay ama madluumka ah”.
11. Soonka lasoomo bisha Ramadaan wuxuu u dhigmaa 10 bilood soonkood.
12. Dadka Muslimiinta ahi waxay dareemayaan in ay yihiin dad isku mid ah waxwalba wadaago kan hantida haysto iyo kan faqriga ahba, maadaama ay wada soomanyihiin.
13. Soonka waxaa ka dhalanaya raxmad iyo isu turid, maxaa yeelay kan wax haystaahi ama qaniga ahi wuxuu dareemayaa dhibaatada ay baahidu leedahay wuxuuna u naxariisanayaa kan faqiirka ah.
14. Waa bisha wax bixinta bisha sadaqada bisha la kaalmeeyo dadka tabaalaysan iyo masaakiinta.
و كان صلى الله عليه و سلم أجود الناس ، وكان أجود ما يكون في رمضان ، كان أجود بالخير من الريح المرسلة )) ::: متفق عليه ::: ، وقال صلى الله عليه وسلم : (( أفضل الصدقة في رمضان
15. Qofka sooman afkiisu waxuu ka udgoon badanyahay ilaah agtiisa miskiga ama catarka aadka u udgoon ee la yiraahdo Miskiga.
لقوله صلى الله عليه وسلم: (( لخلوف فم الصائم أطيب عند الله من ريح المسك)) البخاري.
...
...
Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix