WAA XAARAAN TIMAHA OO TIMO KALE LAGU TAXDO, QORRIDDA ILKKAHA, FANAX ISU YEELKA, IWM.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Allaah, Subxaanahu Watacaallaa wuxuu yidhi: Waxay u yeedhaan (Alle) beddelki dheddigood, Waxay u yeedhaan wax kale maahee waa uun Shayddaan, fallaago ah, oo Alle nacladay, wuxuuna yidhi: Hubaashii waxaan ka qaadan doonaa addoommadaada saami go’an. Waxaana hubaashii u horseedi doonaa iyaga habow, waxaana hubaashii gelin doonaa hawooyin, oo hubaashii waxaan amri doonaa, waxayna jari doonaan dhegaha xoolaha, oo hubaashii waa amri doonaa iyaga oo waxay doorin doonaan abuurta Alle. (Suurada al-Nissaa Aayadda117-119)

1641. Asmaa A.K.R. waxaa laga soo weriyey in haweeney ay weydiisey Nebiga (S.C.W.): Rasuul Alloow! Gabadhaydii timaha gubataa ka gashay oo waa ka jarmeen timuhu. Haatan nin baan ku darnay, ee ma ugu taxi karaa baruuko timaheeda? Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: Alle waa nacladay tii timaha timo ku taxata iyo tii ugu taxdaba. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxay leedahay Nebigu S.C.W. waa nacladay cidda sameysa baruukada iyo ciddii doonata baruuko.

Caa’isha A.K.R. waxay werisey isagoo kale oo Mutafaq ah.

1642. Xumayd bin Cabdur Raxmaan A.K.R. waxaa laga soo weriyey inuu maqlay Mucaawiyah oo ka leh minbarka sannadii uu xajinayey, intuu ka qaaday cuntub tin ah adeegihiisa: Reer Maddiinoow meeday culimmadiinii? Waxaan maqlay Nebigoo S.C.W. oo reebaya isticmaalka baruukadan oo leh: Banii Israa’iil waxaa la rogay markii ay haweenkoodii qaateen waxa kan oo kale. (Timaha been abuurka ah ay samaysteen). (Bukhaari iyo Muslim)

1643. Ibn. Cumar A.K.R. waxaa laga soo weriyey in Nebigu (S.C.W.) nacladay timo taxatada iyo u taxadada iyo tan ilkaha qorata iyo tan u qorta. (Bukhaari iyo Muslim).

1644. Ibn Mascuud A.K.R. wuxuu yidhi: Alle waa nacladay ilka qortooyinka iyo qorooyinka iyo kuwa sunniyahooda ku falaada iyo kuwa ilkahooda fanaxaha u yeela iyagoo qurux ula jeeda, oo abuurta Alle dooriya, Haweenay (Umm Yacquub) baa waxay weydiisey Ibn Mascuud A.K.R.: Waa maxay waxaa oo dhan? Wuxuu ku jawaabay: Maxaanan u nacladeyn kuwaa uu Raslkii Alle S.C.W. nacladay? Iyadoo kitaabka Alle (Qur’aanka) leeyahay: Wixii uu Rasuulka Alle idin siiyo qaata, wixii uu idinka reebana iska daaya. (59:7)      (Bukhaari iyo Muslim).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

968688
Today
Yesterday
All days
329
1821
968688
2025-04-19 07:38

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803530d79f409279979111745048333
title_6803530d8c22d18772448731745048333
title_6803530d8c398683191781745048333
title_6803530d8c4d120805944981745048333
title_6803530d8c5d81915586711745048333
title_6803530d8c70d7412761391745048333

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803530d8dbf517150666071745048333
title_6803530d8dd2b11253639271745048333
title_6803530d8de6e667902481745048333
title_6803530d8dfa113374817771745048333

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com