MASRUUFIDA CARRUURTA IYO EHELKA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

120. "Hu'ga iyo hunguriga hooyooyinka wax nuujinaya wuxuusaaran yahay oo si fiican ah aabaha ilmaha". Suuradda Al-Baqarah:Aayadda 233.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

121. "Waa in kan ladnaanta iyo maalka heysta, wax u masruufaasi waafaqsan ladnaantiisa, kan meelaha ay waxa ka soo galaan iska koobanyihiinna (ciriiri yihiin), wuxuu Alle siiyo ha ku masruufo. Alle nafnakuma kallifo wax uusan siin". Suuradda: Ad-Dalaaq: Aayadda 7.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

122. "Wixii aad bixisaanba (oo wax san awgood loo bixiyo) isagaa idiin cawil celinaaya". Suuradda Saba:Aaydda:39.

289. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Diinaar (nooc lacagta ka mida) aad jidka Alle ku bixisay, iyo Diinaaraad madax furasho ku bixisay iyo Diinaar aad miskiin ku sadaqaysatay iyoDiinaar aad reerkaaga ku masruuftay, waxaa intaas u ajar badan Diinaarkaaad reerkaaga ku masruuftay". (Muslim)

290. Abuu Cabdullaah oo sidoo kale la oran jiray: Abuu Cabdur RaxmaanSowbaan ibn Yuxdud (A.K.R.) kaa oo ahaa addoon la xoreeyey uu nabiga lahaa (S.C.W.) wuxuu yiri: "Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Diinaaruu qofku bixiyo waxaa u fadli badan Diinaarka uu reerkiisa ku bixiyo; iyo Diinaarka uu faraskiisa jidka Alle u heeganka ah (yacni jihaad) uu ku bixiyo,Diinaarka qofka uu wax kaga bixiyaana saaxiibbadiis isagoo wajiga Alleula jeeda waa ka mid waxyaalaha wanaagsan ee mudan in wax lagu bixiyo".(Muslim)

291. "Umm Salamah (A.K.R.) waxay tiri: waxaan weydiiyey RasuulkiiAlle: ajar ma ka helayaa haddaan wax siiyo caruurta (ninkeygii hore AbuuSalamah?) lagagamana tagi karo daryeel la'aan, iyagoo ordaya halkaaniyo halkaa (oo nolol raadis ah). Intaa oo dhan ka sokowna waa ilmahaygii.Wuxuu ku jawaabay Nabigu (S.C.W.): "Haah" waxaadna kaheleysaa ajarwixii aad siisidba". (Bukhaari iyo Muslim)

292. Sacad ibn abii Waqaas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay oo uu ku weriyeyxadiis dheer aan ku soo marnay cutubkii koowaad oo niyadda ku saabsanaa,in Nebigu (S.C.W.) yiri: Wixii aad bixiso oo aad wejiga Alle ula jeeddidba ajar baad ka helaysaa, xataa rudmadii aad galisid afka afadaada (wuxuuahaan doonaa fal san oo ajar leh). (Bukhaari iyo Muslim)

293. Abuu Mascuud al-Badri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: "Markuu ninku reerkiisa masruuf siiyo isagoo ajarna doonayawaa u sadaqo". (Bukhaari iyo Muslim)

294. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: "Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco dadka ku tiirsan,oo noloshooda isaga ay ku xiran tahay Alle sokadi". (Abuu Daawuud).Waana xadiis saxiix ah.

Werin kalaa waxay ahayd oo Muslim ku taal: "Qofka waxaa dembiugu filan inuu ciriiriyo cid noloshooda ay isaga saaran tahay Alle sokadi".(Muslim)

295. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Maalin kasta, laba malag baa soo daga, oo midi leeyahay: Alloowsii beddel wanaagsan qofka bixiyaha ah: mid kalena leeyahay: Alloow, kabaa'bi'i waxa wanaagsan uu haysto bakheyl kastoo aan waxbixin". (Bukhaari iyo Muslim)

296. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:"Gacanta sare (yacni kan wax bixinaya) baa ka wanaagsan gacantahoose (kan wax la siinayo ee qaataha ah) kana billoow (deeqdaada iyo waxsiinta) carruurtaada iyo kuwa ku saaran ee adiga kugu tiirsan Alle sokadi,Sadaqana waxaa u wanaagsan tii aad ka bixiso hantidaada dheeriga ah (yacnitii aad ka maaranto, ee aadan u baahneyn), qofkii doonayana inuu isdhawro,Alle wuu dhowrayaa. Qofkii is deeqtoonsiiyana oo qaneeco raba, Allaa qaneeco iyo deeq siinaya). (Bukhaari)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

970364
Today
Yesterday
All days
502
1503
970364
2025-04-20 13:09

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6804f1fb433a98413386041745154555
title_6804f1fb434c715951867401745154555
title_6804f1fb435ca14814409031745154555
title_6804f1fb436cb18933329391745154555
title_6804f1fb437c918132666861745154555
title_6804f1fb438d721401470461745154555

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6804f1fb4493013403919961745154555
title_6804f1fb44a3511626108151745154555
title_6804f1fb44b3620008558941745154555
title_6804f1fb44c4b7927881921745154555

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com