ASTURIDDA CEEBAHA MUSLIMIINTA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

105. “Kuwa jecel in dhilleysiga (iyo waxyaabaha keeni kara sida aflaanta xunxun, buugta jaceyl sheydaanka ka hadla, riwaayadaha xunxun, iyo is dhex galka ragga iyo dumarka aan is gayin iyo sheeko wadaaggood) ay ku dhex faafto bulshada muslimka ah, waxay aakhiro iyo adduunba leeyihiin cadaab xanuun badan”. Suuradda an-Nuur: Aayadda: 19

240. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii asturaa ceebaha iyo meel ka dhacyada qof muslim ah inta adduunka la joogo, ceebaha iyo gefafkiisuu asturaa Alle weyne maalinta qiyaamah”. (Muslim)

241. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri waxaan maqlay Nebigoo (S.C.W.) leh: “Cid kasta oo ka mida ummadeyda waa la cafinayaa marka laga reebo kuwa aan qarin ceebaha dadka ee bannaanka soo dhiga. Waxaana ka mid ah bannaan soo dhigidda in qofku daaha uu ka qaado xumo uu sameeyey habeenkii, isagoo Alle asturay, oo Subaxii yiraahda: Hebeloow xalay sidaas iyo sidaasaan yeelay, wuxuu cawo baryay iyadoo Rabbigi asturayo, markaasuu subaxnimadii isagii qudhiisii wax walba daaha ka qaaday, asturkiina feyday. (Bukhaari iyo Muslim)

(Haddaan tusaale yar ka bixinno arrintaa waa sida wiil xiriir aan bannaaneyn iyo sheeko ay dhex martay gabar uusan meher u dhaxeyn, oo inta habeen la soo sheekeystey oo la fara cayaaray, subaxnimadii uga sheekeeyey saaxibbadiis wuxuu sameeyey habeenkii, kuwaa ku dhiirran xumaha iyo kuwa la midka ee xumaha sheeg sheega, aan qarinna ceebaha naftooda iyo ceebaha dadka kale Alle ma cafiyo.

242. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Addoontu markay dhilleysato oo inay dhilleysatay caddaato mas’uulkeedu ha jeedlo yuusanna canaanan, haddii ay mar labaad dhilleysatana ha jeedlo yuusanna canaanan, haddii ay mar seddexaad dhilleysatana ha iska iibiyo, haba ku iibiyee qiimo dhan xarig timo ah (macnaha waa haba ku iibiyee qiimaha ugu jaban uguna yar e wax lagu iibiyo). (Bukhaari iyo Muslim)

“isagoo u caddeynaya qofka uu ka iibinayo ceebteeda, xadka jeedilada addontuna waa karbaashid konton (50) jeer ah.

243. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin khamro cabbay baa waxaa loo keenay Nabiga (S.C.W.) wuxuu amar ku bixiyey in la garaaco. Markaasaan nin kab ku dhufta iyo nin gacantiisa ku dhufta iyo nin maradiisa ku dhufta noqonnay. Markii uu dadkiisii u tegay baa mid yiri: Alle ha ku hoojiyo oo hoos ha kaa dhigo.

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Sidaas ha oraninna; oo shaydaanka ha ugu kaalmeynina”. (Bukhaari)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

969093
Today
Yesterday
All days
734
1821
969093
2025-04-19 14:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803b69298d6b20913652301745073810
title_6803b69298e4e15972368821745073810
title_6803b69298f1d172140291745073810
title_6803b69298fec6071294991745073810
title_6803b692990b84454426921745073810
title_6803b6929919c3284122961745073810

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803b69299ecd15061492451745073810
title_6803b69299fa9888961711745073810
title_6803b6929a0791609213691745073810
title_6803b6929a15617704042591745073810

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com