Waxyaalaha ku xun salaadda aan ku habbooneyn 

Waa acmaasha naaqusisa ajarka salaadda oo tegsiisa khushuuceeda iyo haybaddeeda waana sidan soo socota: 

  1. Waa wax xun ah aan habbooneyn milicsiga adigoo ku jira salaadda, waayo Nabiga waxaa wax laga weydiiyey milicsiga salaadda gudaheeda, markaasuu wuxuu yiri: “Waa xatooyo uu ka xado shaydaanka salaadda addoonka” (Al-Bukhaari 718) 
  2. Waa wax xun aan habbooneyn ku cayaaridda gacanta iyo wejiga, iyo saaridda gacanta kelyaha, iyo is dhex gelinta faraha iyo jucintooda. 
  3. Waa wax xun aan habbooneyn inuu qofku galo salaad isagoo qalbigiisa ka maahsan yahay  baahi darteed uu u qabo inuu musqul galo, ama baahi uu u qabo cunto loo keenay, sida uu Nabigu  yiri:  “Ma aha inaad aaddo salaad adigoo cunto laguu keenay aad u baahan tahay, iyo qofka ay heyso kaadi ama saxaro” (Muslim 560).