Kula dhaqanka dabeecad wanaagsan xitaa dadka aan Muslimka ahayn
Allaah Kor ahaaye wuxuu na amray inaan dabeecad wanaagsan kula dhaqanno dadka oo dhan, waayo caddaaladda iyo axsaan falka iyo naxariista waa dabeecadda Muslimka ee ka muuqda anshaxiisa iyo hadalladiisa xagga Muslimka iyo gaalkaba, wuxuuna ku dadaalaa inuu ahaado debci samadaas dowgiisa xagga ugu baaqa dadka aan Muslimka ahayn diintan weyn:
Allaah Kor ahaaye wuxuu yir:
}لَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَييْهِمْ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ{(الممتحنة: 8).
“Allaah idinkama reebo xagga kuwa aan idinkula diririn diinta awgeed oo aan idinka saarin guryihiinna, inaad u samo fashaan oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaaladda ah”. (Al-Mumtaxinah: 8)
Balse waxa uu naga xaaraanshay waa garabsiinta gaalada iyo jeclaanta waxay ay ku sugan yihiin oo gaalnimo iyo shirki ah, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَى إِخْرَاجِكُمْ أَنْ تَوَلَّوْههُمْ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ{ (الحجرات: 9).
“Allaah wuxuu uun idinka reebaa xagga kuwa idinkula dirira diinta darteed oo idinka saara guryihiinna, oo ku taageera (kuwo kale) saariddiinna – (ma aha) inaad ka dhigataan gacallo. Oo qofkii ka dhigta gacal, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta”. (Al-Xujuraat: 9)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

968688
Today
Yesterday
All days
329
1821
968688
2025-04-19 07:38

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803530d79f409279979111745048333
title_6803530d8c22d18772448731745048333
title_6803530d8c398683191781745048333
title_6803530d8c4d120805944981745048333
title_6803530d8c5d81915586711745048333
title_6803530d8c70d7412761391745048333

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803530d8dbf517150666071745048333
title_6803530d8dd2b11253639271745048333
title_6803530d8de6e667902481745048333
title_6803530d8dfa113374817771745048333

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com