Dabeecadaha islaamka xagga dagaalka
1. Islaamku wuxuu amray caddaaladda iyo u garsoorka cadowyada, wuxuuna reebay in la dulmiyo oo lagu xadgudo:
Sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى{ (المائدة: 8).
“oo yeysan naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad sameyn. Caddaalad sameeya: sidaas baa u dhow dhowrsanaanta, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah”. (Al-Maa’idah: 8)
Macnaha waa yaanu keenin naceybka aad u qabtaan cadowgiinna inaad xad gudubtaan oo dulmi geysataan, balse ogaada caddaalada xagga hadalladiinna iyo falalkiinna goor kasta.
1. Iska reebidda dhagarta iyo khiyaanada lagu sameeyo cadowyada:
Dhagarta iyo khiyaanada waa xaaraan xitaa xagga cadowyada. Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
}إِنَّ اللهَ لَا يُحِبُّ الْخَائِنِينَ{ (الأنفال: 58).
“Hubaal Allaah ma uu jecla khaa’iniiinta” (Al-Anfaal: 58)
1. Iska reebidda caddibidda iyo jir doorinta meydadka:
Waa xaaraan in la jir dooriyo meydadka, sida uu Nabigu s.c.w yiri: “Oo ha jir doorininna” (Muslim 1731)
1. Iska reebidda dilka dadka rayidka ah aan ka qayb qaadannin dagaallada iyo fasahaadinta arlada iyo degaanka:
Waa kan Abuu Bakar As-Siddiiq r.c. madaxii Muslimiinta Nabiga kaddib iyo kan u wanaagsan saxaabada oo kula dardaaramaya Usaama bin Zayd r.c.  markuu u diray abaanduulle ahaan xagga Suuriya, wuxuu yiri: “Ha dilina ilmo yar, iyo oday weyn iyo haween, oo ha jarina geed timir oo ha gubina, oo ha goynina geed miro leh, oo ha gowrricina ri’ iyo lo’ iyo geel midna inaad cuneysaan maahee, waxaa suura gal ah inaad ag martaan dad ku cibaadeysanaya macaabiddooda ee iska daaya iyo waxa ay u faaruq noqdeen” (Ibnu Casaakir 2/50)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

968660
Today
Yesterday
All days
301
1821
968660
2025-04-19 07:23

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_68034f7178bb820017069861745047409
title_68034f7178c8b19342729691745047409
title_68034f7178d5b886516021745047409
title_68034f7178e2816732963231745047409
title_68034f7178ef08233912691745047409
title_68034f7178fb73756099631745047409

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68034f7179d0c18214628301745047409
title_68034f7179dde13096848931745047409
title_68034f718c2028163486981745047409
title_68034f718c35f3076273851745047409

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com