AKHII DULMIGA JOOJI
Arintu adigey kaa socon laa dahay ,meeqaan ku lahaa joog , nikii soo fariiso laga waayo soo seexo ayaa laga helaa, dulmigu waa intii aduunka la joogo kaliya ...
Dhibaatadu ma aha inuu dulmigu bato ee waxaa dhibaato ah in la waayo dad is hortaaga dulmiga, rabi subxaanahu- watacaalaa wuu xarimay dulmiga nooc kasta oo uu yahay, naftiisana wuu ka xarimay inuu axad dulmiyo, nabi muxamedna s.c.w. si toosa ayuu uga hortagay dulmigii jiray islaamka ka hor, si aysan dadku isugu xadgudbin oo walaalo u ahaadaan, culimada muslimintu waxey uqeybiyeen dulmiga sadex qeybood. 1-Dulmi la dulmiyo rabil-caalamiin kaasoo ah in cibaadadiisa lala wadaajiyo axad kale waana dulmiga ugu daran ee qofku ku dhaco, adiguba waad dareemi kartaa khatarta ay lee dahay in lagu xadgudbo rabiga insiga iyo jiniga abuurtay,rabiga u abuuray inay kaligiis caabudaan, dulmigan waxaa ku dhacay dad badan oo isu heysta iney janada safka hore galayaan, janadu dheel dheel laguma helo ee waxey ubaahan tahay iimaan iyo camal toosan , hadaba qof waliba ha u ban dhigo caqiidadiisa iyo cibaaddiisa dariiqii nabigeena s.c.w. hadey kuusoo baxdo sidii la rabay waa wanaag, hadiise aad axad aan rabi aheyn darajo iyo wadaag cibaado u ogoshahay hada dib isugu laabo intaadan ka mid noqonin kuwa khasaaray aduunka
iyo Aakhiro, qofkii ku dhinta dulmigan naarta ayuu ku waarayaa, qofkii ka badbaadana waxaa loo balan qaaday amni aakhiro iyo hanuun aduun fiiri quraanka kariimka suurada al-acraaf aayada 2-Dulmi uu qofku naftiisa dulmiyo oo ah inuu qofku garan waayo wixii loo abuuray ama cidii abuurtay, waxaa is weydiin leh kuwa beeniyey aayadaha eebe ma waxaan naftooda aheyn bay dulmiyeen ?jawaabtu waa maya ikhyaarey gaabinta uu qof kasta ka gaabiyo badbaadinta naftiisa naarta jahanamo isaga unbey ka jaran tahay, rabi subxaanahu watacaalaa wuxuu balan qaaday inuusan axadna cadaabin hadey dadku waajibkooda ka soo baxaan, matalan haduu qofku rabi rumeeyo amarkiisana adeeco nabigiisana rumeeyo amarkiisana qaato wax alaale iyo wixii laga reebayna ka fogaado ma kula tahay inuu rabi naarta galinaayo ? hadal wuxuu ku dhan yahay adigu naarta lugahaada ha ku raadsanin,carabkaadana ha ugu wacanin, gacmahaadana ha ku shaqeysanin..
3- In dadka lagu xadgudbo: dulmigan waa halis inta ka badbaadana ma badna, xoolaha dadka & naftooda & dhiigooda & nasabkooda oo lagu xadgudbo waa tan keenta baaska iyo balaayada , waa tan ay dad badan naarta ku muteystaan dad badana aduunka ku arkeen cadaab -qax qaxooti magangal gaalo ,diinta oo la dhaafsado waxoogaa doolar ah , aakhirana wixii udanbeeya qof walba iyo rabigiis , war hooy dulmigu ma fiicna , maanta hadaad shirki ku dhacdo bari waa naar, maanta hadaad reer ku faanto bari waxba kuu tari maayo , maanta hadaad xoog is bido bari waa duqnimo, hadaba isdaji oo qabrigaada xusuuso kuligeen xaawo iyo aadam baa ina dhalay aadana caro ayaa laga abuuray, ciidaas ayaana dhamaanteen inoo danbeysa , cidii bad ku dhimata ama hawada ku dhimata rabi baa soo xaadirin qiyaamaha, ha la isi turo, hana la isu naxariisto si naxariista raxmaanka inoo hadheyso.maanta dulmiga gaaladu muslimiinta ku hayaan ayaa dulmi inoogu filan , waxba yeynaan inagu isu

xoolo xaaraana qaato ama naf aan danbi galin gooyo waxey la mid tahay sidii qof lugta iska jaray oo kaleeto , C/QAADIR AKHII 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

969389
Today
Yesterday
All days
1030
1821
969389
2025-04-19 19:25

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803f8b998ed817200145311745090745
title_6803f8b998fb41925885871745090745
title_6803f8b99908819502822241745090745
title_6803f8b99915f14438688231745090745
title_6803f8b99922a7185202811745090745
title_6803f8b9992f517935106911745090745

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803f8b99a00910241032821745090745
title_6803f8b99a0f17924379471745090745
title_6803f8b99a1c46941599571745090745
title_6803f8b99a29218337167421745090745

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com