FIQHI CIBAADAAT


 twahara


ARRIMO FAA'IIDO KU JIRTO OO WEYSADA LA XIDHIIDHA
Marka la weysaysanayo hadalkii aan dheef lahayn waa la ogol yahay, laguma soo werin Sunnaha Rasuulka s.c.w. arrinkaa wax mamnuucaya.
Ducooyin in la akhriyo marka xubnaha qaarkood weysada la marinayo waa arrin aan sax ahayn. Ducooyinka keliya ee la ogol yahay waa kuwa aan ku soo sheegnay Sunnaha weysada.
Haddii uu qof ka shakiyo inta goor ee uu xubnaha biyo mariyey (sida gacmaha) wuxuu ku soconayaa intuu hubo.
Waxyaabaha jidhka ka celiya in biyaha weysadu taabtaan sida xaydha, rinjiga, xamuuradda haweenku ciddiyaha marsado iwm., waxa waajib ah in weysada ka hor laga suuliyo jidhka haddii kale weyso ma ansaxayso. Arimahaas xinnuhu kuma jiro, sababtoo ah xinnuhu jidhka ama ciddiyaha biyaha kama celiyo. Dumarka caadadu ku dheeraato (waqti dheer ka socoto) iyo dadka aan cudur awgii kaadida iyo dhuusada xejin karin waa inay salaad walba u weysaystaan. Xatta haddii ay dhibaatadaasu mararka qaarkood tahay oo aanay ahayn mid joogto ah.
In dadka aan weysaysan karin (sida qof gacma la') lagu caawiyo weysada way bannaan tahay.
In jidhka tuwaal ama wax la mid ah lagu qallajiyo weysada ka dib iyana way bannaan tahay.
Al-Albaani wuxuu tilmaamay inuu Xadiisku daciif yahay (Daciif Sunan Abuu Daa’uud: 9)


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

969129
Today
Yesterday
All days
770
1821
969129
2025-04-19 14:59

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803ba37c135210661004961745074743
title_6803ba37c142f14301072641745074743
title_6803ba37c14ff10032158271745074743
title_6803ba37c15ee8734400321745074743
title_6803ba37c16bb19360988501745074743
title_6803ba37c178818324107621745074743

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803ba37c24903682171941745074743
title_6803ba37c258920774837331745074743
title_6803ba37c265a1314749781745074743
title_6803ba37c27295892250881745074743

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com