NIFAASKA :
Nifaasku waa dhiigga umulaha ka yimaada haddii ilma nool, mid bakhti ah ama mid aan dhamays ahayni uu dhasho intaba. Muddadiisa: Dhiigga noocan ah isaguna ma laha muddo la odhan karo waa muddada ugu yar ee u xadidan. Wuxuu joogsan karaa isla markiiba, ama umulaha qaarkood dhiigba kama yimaado. Sidaas darteed, kuwaasi waa inay tukadaan, soomaan iwm., iyagoo ka tilmaan qaadanaya hadba xaaladdu siday tahay. Waqtiga ugu dheer ee culimadu sheegatay inuu dhiiggaasu socdona waa afartan maalmood. Ummu Salamah waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Cahdigii Rasuulka Salallaahu caleyhi wasalam umuluhu waxay fadhiyi jireen afartan maalmood.” (Shanta Imaam ayaa soo weriyey an-Nasaa'i mooyee).
At-Tirmidi oo Xadiiskaa ka faalooday wuxuu yidhi: Asxaabtii Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam kuwoodii ahlul cilmiga ahaa iyo Taabiciintii ka dambeeyay waxay isku waafaqeen in haweenka umulaa ay afartan maalmood salaadda ka joogaan. Haddii afartan maalmood ka hor dhiiggu ka joogsado umushu way maydhanaysaa (qusul) isla markaana tukanaysaa. Haddii ay waxoogaa dhiig ah aragto afartanka maalmood ka dibna, culimada badankoodu salaadda in aan la joojin ayay qabaan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

969093
Today
Yesterday
All days
734
1821
969093
2025-04-19 14:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803b69298d6b20913652301745073810
title_6803b69298e4e15972368821745073810
title_6803b69298f1d172140291745073810
title_6803b69298fec6071294991745073810
title_6803b692990b84454426921745073810
title_6803b6929919c3284122961745073810

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803b69299ecd15061492451745073810
title_6803b69299fa9888961711745073810
title_6803b6929a0791609213691745073810
title_6803b6929a15617704042591745073810

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com