FIQHI CIBAADAAT


 twahara


SUNNAYAASHA QUSULKA

Habka qumman ee Rasuulka laga soo tebiyey in qusulka loo sameeyo waa sidan:
1. Saddex goor in la faraxasho.
2. Istijo (farjiga oo la maydho) in lagu xigsiiyo.
3. Weyso dhan sida weysada salaadda oo lagu xigsiiyo. Haddii uu rabo qofku maydhidda cagaha wuu u ugu dambaysiin karaa.
4. Biyaha oo madaxa la wada gaadhsiiyo saddex goor iyadoo timaha faraha la dhex gelinayo si ay biyuhu u gadhaan timaha guntooda.
5. Jidhka oo dhammaan la wada maydho, laguna bilaabayo waaxda midig laguna xigsiiyo waaxda bidix, iyadoo kilinkilooyinka, dhegaha daloolkooda, xundhurta, faraha adimada dhexdooda iyo jidhka dhammaan inta la gaadhikaro biyaha la gaadhsiiyo. Caa’isha (Ihkra) waxa laga soo weriyey inay tidhi: “Nebigu salallaahu caleyhi wasalam markuu jinaabada ka maydhanayo wuu faraxalan jiray marka hore, markaasuu biyaha gacanta midig ku jira gacanta bidixda ku gediyi jiray, dabadeetana intuu istijoodo ayuu weysada salaadda oo kale weysaysan jiray. Haddana intuu biyo qaado ayuu timaha salkooda faraha marin jiray ilaa uu arko inay biyuhu gaadheen timaha guntooda. Dabadeetana saddex goor ayuu biyo ku shubi jiray madixiisa iyo jidhkiisa kale oo dhan.” (Al-Bukhaari iyo Muslim ayaa soo weriyey). Riwaayad kalena waxay Caa’isha tidhi: “Gacmihiisa ayuu timaha dhexgelin jiray ilaa uu dareemo inay timaha guntoodu qoyday, dabadeetana saddex goor ayuu biyo isku gediyi
Labada Sheekh waxay Caa’isha (Ihkra) ka soo weriyeen oo kale inay tidhi: “Rasuulku salallaahu caleyhi wasalam markuu jinaabada ka maydhanayo intuu biyo dalbado oo uu sacabkiisa ku qaado ayuu madixiisa dhinaca midig ku bilaabi jiray, dabadeetana dhinaca bidix. Kabacdina intuu sacabbadiisa biyaha ku qaado ayuu madixiisa ku shubi jiray.”

Maymuunah (Ihkra) waxay iyana tidhi: “Nebiga salallaahu caleyhi wasalam ayaan biyo uu ku maydho (qusul) u dhigay, markaasuu faraxashay laba ama saddex goor oo uu gacntiisa midig biyihii ku jiray ku gediyay ta bidix dabadeetana istijooday. Intuu gacantiisa dhulka ku duugay ayuu luq-luqday oo sandaartay wejiga iyo gacmahana maydhay oo uu madixiisana saddex goor maydhay, ayuu jidhkiisa oo dhan biyo ku gediyey. Markaasuu meeshii uu taagnaa intuu ka yara dhaqaaqay cagihiisa maydhay. Waxay tidhi: Waxaan u keenay maro waanuu diiday oo wuxuu biyihii iskaga tir-tiry gacantiisa.” (Jamaacada ayaa soo werisay).


logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

969093
Today
Yesterday
All days
734
1821
969093
2025-04-19 14:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803b69298d6b20913652301745073810
title_6803b69298e4e15972368821745073810
title_6803b69298f1d172140291745073810
title_6803b69298fec6071294991745073810
title_6803b692990b84454426921745073810
title_6803b6929919c3284122961745073810

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803b69299ecd15061492451745073810
title_6803b69299fa9888961711745073810
title_6803b6929a0791609213691745073810
title_6803b6929a15617704042591745073810

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com