MACNAHA XAJKA
Xaj waxaa loola jeedaa u qasadka beydka Ilaahay ee caaggan si uu qofku u guto cibaadooyin gaar ah, waa afcaal iyo aqwaal ka sugnaatay Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam , sida ixraamka, ku dawaafka beytka xurmadda gaarka ah leh toddobo jeer, iyo ku sacyiga toddobo jeer labada buurood ee Safa iyo Marwa dhexdood, iyo joogsiga Carafa iyo tuuridda jamaraadka marka la joogo Mina, iwm
Waxaa ugu jiro nafacyo badan addoomaha ee leh caddeynta towxiidka Ilaahay, iyo dambi dhaafka weyn ay ku helaan xujeyda, iyo is barashada muslimiinta dhexdood, iyo barashada axkaanta diinta, iwm.