SOONKA SUNADDA AH 
Allaah wuxuu faral yeelay soomid bil keliya sannadkii, laakiinse wuxuu dhiirra geliyey soomidda maalmo kale qofkii ka hela naftiisa awood iyo doonis arrinkaa isagoo doonaya ajar badsi iyo abaal gud, waxaana ka mid ah maalmahaa:

1. Maalinta Caashuraa, iyo maalin horteed ama bacdigeed. Caashuurana waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram bisha ugu horreysa ee taariikhda islaamka, waana maalinkii uu Allaah ka badbaadiyey Nabigii Ilaahay ee Muuse caddibaaddii Fircoon, oo qarqiyey Fircoon iyo intii la jirtey, marka waxaa sooma maalintaas qofka Muslimka ku shukrin Ilaahay badbaadinta uu badbaadiyey Muuse iyo ku dayasho Rasuulkeenna Salallaahu caleyhi wasalam oo soomay isagoo yiri: “Sooma maalin horteed ama maalin bacdigeed” (Axmad 2154) mar wax laga weydiiyeyna Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam fadliga soomidda Caashuuraa – 10ka bisha Muxarram - wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa danbiyadii sannadkii tagey” (Muslim 1162)
2. Maalinta Carafa, waana maalinka sagaalaad ee bisha Dul Xijjah, bisha labo iyo tobnaad ee taariikhda islaamka, maalinkaana waa maalinka ay ku kulmaan xujeyda beydka Ilaahay goobta Carafa, iyagoo barya Allaah Cazza Wajalla oo u dan iyo muraad sheeegta, waa maalinka u fiican maalmaha sannadka, waxaana loo sharciyeeyey dadka aan xujeyda ahayn inay soomaan maalinkaa, markiina la weydiiyey Nabiga Salallaahu caleyhi wasalam soonka maalinta Carafah, wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa danbiga sannadkii tagey iyo kan soo socda” (Muslim 1162).
3. Lix maalmood ka mid ah maalmaha shawwaalka, shawwaal waa bisha soon fur, waa bisha tobnaad ee taariikhda Islaamka, Nabigu Salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yiri: “Qofkii sooma bisha Ramadaan oo raacsha lix maalmood oo ka mid ah bisha Shawaal – Soon fur - waa sida qof soomay sannadka oo dhan” (Muslim 1164)
4. Ka soomidda seddex maamood bil walba, Abuu Hurayrah Allaha karaali noqdo wuxuu yiri: “Wuxuu igula dardaarmay gacalkay seddex arriommd aan ka tegi doonin jeer aan dhinto: ka soomidda seddex maalmood bil walba, salaadda duxada, iyo inaan seexdo anigoo witirka tukaday” (Al-Bukhaari 1178, Muslim 721).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

969352
Today
Yesterday
All days
993
1821
969352
2025-04-19 19:07

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803f46a191f813920209031745089642
title_6803f46a192e211516007981745089642
title_6803f46a193b217924641241745089642
title_6803f46a1948013432307841745089642
title_6803f46a1954b20946272181745089642
title_6803f46a196039977601141745089642

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803f46a1a578751662561745089642
title_6803f46a1a66a14284847261745089642
title_6803f46a1a73c3771892661745089642
title_6803f46a1a80b2350771151745089642

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com