SOOMIDDA RAMADAANKA

Macnaha soonka

Macnaha soonka xagga Islaamka: Waa inaad ugu cibaadeysato Allaah inaad ka af xirato oo ka joogto cunto iyo cabbitaan iyo galmo iyo waxyaalaha kale ee lagu afuro laga billaabo waaberiga – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Fajar ilaa qorrax dhaca – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Maqrib-.