FADLIGA EEDAANKA:
Fadliga Eedaanka iyo Mu'adinka Axaadiis badan ayaa ku soo aroortay oo ay ka mid yihiin kuwa xoos ku xusan:
1. Abuu Hurayra waxa laga soo weriyey inuu Rasuulku Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Haddii uu dadku og yahay fadliga ku jira Eedaanka iyo safka salaadda ugu horeeya, way u tartami lahaayeen, xattaa hadday waayaan si kale oo ay ku kala baxaan inay u qori-tuurtaan mooyee way u qori tuuran lahaayeen. Haddii ay og yihiin ajarka ku jira marka salaadda Duhur waqtiga ugu horeeya la tukado way u tartami lahaayeen. Haddii ay og yihiin ajarka ku jira salaaddaha Cishaha iyo Subaxda marka jamac lagu tukadana way iman lahaayeen (jamaca) xattaa haddii ay noqoto inay guguurad ku yimeedaan haddii ay si kale kari waayeen.” (Al-Bukhaari iyo qaar kale ayaa soo weriyey).
2. Mucaawiyah waxa laga soo weriyey inuu Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Maalinta Qiyaamaha dadka waxa ugu qoor (luqun) dheer Mu'adinka.” (Axmad, Muslim iyo Ibnu Maajah ayaa soo weriyey).
3. Al-Barraa’ bin Caazib waxa laga soo weriyey inuu Nebigu Salallaahu caleyhi wasalam yidhi: “Alle iyo Malaa’iigtiisu way ku salliyaan safka hore. Mu’adinkana waxa loo dembi dhaafaa intuu codkiisu gaadho. Wixii qoyan iyo wixii qallalan ee maqlaaba way u marag furaan. Ajarkiisuna wuxuu la mid yahay midka dadka la tukada.” (Al-Mundiri wuxuu yidhi Axmad iyo an-Nasaa’i ayaa sanad fiican ku soo weriyey).
4. Abii Dardaa’ isagana waxa laga soo weriyey inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam oo leh “Saddexdii qof ee aan addimin salaaddana aan oogin shaydaanka ayaa muquuniya.” (Axmad ayaa soo weriyey).
5. Abii Hurayra isaguna wuxuu yidhi: Rasuulka Alle Salallaahu caleyhi wasalam ayaa yidhi: “Imaamka waa la damiintay, Mu’adinkana waa la aaminay. Ilaahayow imaamyada toosi, kuwa addimana u dembi-dhaaf.”
6. Cuqbah bin Caamir (Ihkra) wuxuu isna yidhi: Waxaan maqlay Nebiga Salallaahu caleyhi wasalam oo leh: “Rabbigaa korreeye wuxuu la yaaba (isagoo ka raali ah) ninka buur fiiqeed isagoo adhi ku raacaya salaadda u addima ee tukada. Wuxuu Alle وجد ف yidhaahdaa: Eega addoonkaygaa addimay ee salaadda oogay isagoo iga cabsanaya! Waan u dembi dhaafay addoonkaygaa Jannadana waan geliyay.” (Axmad, Abuu Daa’uud iyo an-Nasaa’i ayaa soo weriyey).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

969093
Today
Yesterday
All days
734
1821
969093
2025-04-19 14:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6803b69298d6b20913652301745073810
title_6803b69298e4e15972368821745073810
title_6803b69298f1d172140291745073810
title_6803b69298fec6071294991745073810
title_6803b692990b84454426921745073810
title_6803b6929919c3284122961745073810

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6803b69299ecd15061492451745073810
title_6803b69299fa9888961711745073810
title_6803b6929a0791609213691745073810
title_6803b6929a15617704042591745073810

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com